KADINKA GUUSHA & HORMARINTA NAFTA
- Laguma qiyaaso liibaanta magac , muuq iyo
hantitoona ,ee liibaantu waa hanuunka Ilaahay
oo lagu haleelsiiyo. - Ku kalsoonow Naftaada, dadka aflaxay waxay
ku kalsoonyihiin naftooda iyo kartida ay leeyihiin. - Dhag ha u dhigin dadka dhaqanka u leh dayrada iyo niyadjabinta iyo erayga ( Ha isdaalin ma
kartide ) - iskugu gee dadaalkaaga hal meel ama hal
mawduud, waxaa hubaal ah inaad guul ka
gaarasid. - Naftaada ha liidin, wanaajina aragtida aad ka
haysato naftaada, waayo haddii aad isla
xumaatid waligaa meel ma gaadhaysid. waa
inaad naftaada u sheegtaa inaad tahay nin
rageed tirtirsi u baahan. - Daryeel nafsadaada kana ilaali walwalka iyo
walbahaarka. - Haddii aad ku talaxtagto fikirka waxaa laga
yaabaa inaad ka qaado fikirkaas cudur falkiis la waayey. - Ha la babar dhigin naftaada dadka kale, siiba
kuwa fashilmay. - Dhag jalaq ha u siin dadka doonaya inay
fadhiid kaa dhigaan. - Raadi meelaha aad ku liidato kadibna wiiq
meelahaas, sidoo kale baadh meelaha aad ku
wanaagsantahay, dabeetana xooji meelahaas. - Yabaalka iyo cabsida aad ka cabsanayso tijaabada ogow waa fashal kadinkiise.
- Kaalmaysiga Allaah – sare ahaaye – iyo waafajintiisa waa hilinkaaga koobaad ee Hormarka.
- Qofka aan qaldamin waligiis waa qof aan waxba qaban. Qaladka iyo saxdu waxay ka dhashaan waxqabadka.
- Hinqashada iyo ruqaansigu waxay dhaamaan in lagu dulmaro adigoo wadhan dhulka oo lagugu durduriyo.
- Ha is waydiin siday dadku kuu arkaane ee waxaad iswaydiisaa seed adigu u aragtaa naftaada.
- Dhibkaagu ma aha yaraanta waxa aad haysato ee dhibkaagu waa dhiirigalin la’aan ku haysata.
- haddii aad ku sugantahay mushkilad, ha dafirin jiritaankeeda, waayo haddaad dafirto waligaa ma xalin kartid mushkiladaas.
- Dadka ood quursataa ama aad yaraysataa waxay kuu keenaysaa in adigana lagu caaluqo (lagu naco ).
- Isbaro adigu si gaar ah, sidaad u ogaatid yoolalkaaga iyobaahidaada.
- Badanaa arrimaha waxaan u aragnaa sidaan jecelnahay inaan u aragno, markaad eegaysid arrin u eeg si kaa madax bannaan.
- Furdaaminta ka raadi mushkilada dhexdeeda .
Xigasho/ Buugga Kadinka Guusha ee qoraa / Sh. Maxamuud Axmad Naasir ( Manaasir )