Booqashadii Wafdigii shalay tagay Raaswanaag

Shalay magaalada Raaswanaag waxaa booqasho rami ah ku yimid wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey garaadka Kuumade ee aagaas garaad Axmed balal. Wafdigan oo isugu jiray wafdi ka socda golaha sare ee maamulka Raaswanaag oo uu matalayey Ahmed Guure ( Aarow)iyo afhayeenka Raaswanaag Feysal Cabdullaahi Qoob , Waxaa kale oo wafdigan waheliyey xubna ka socda dawladda oo uu ka mid ahaa Maxamuud Xiddig iyo gudoomiye Cismaan Gaambiye.

Booqashada ayaa u dhacday si wanaagsan kuna soo dhammaatay jawi fiican, iyada oo laga soo jeediyey meeshaas talooyin iyo dardaaran qiimi badan oo ku aadan hormarinta Raaswanaag.

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *