KADINKA GUUSHA & HORMARINTA NAFTA

KADINKA GUUSHA & HORMARINTA NAFTA

  •  Laguma qiyaaso liibaanta magac , muuq iyo
    hantitoona ,ee liibaantu waa hanuunka Ilaahay
    oo lagu haleelsiiyo.
  • Ku kalsoonow Naftaada, dadka aflaxay waxay
    ku kalsoonyihiin naftooda iyo kartida ay leeyihiin.
  •  Dhag ha u dhigin dadka dhaqanka u leh dayrada iyo niyadjabinta iyo erayga ( Ha isdaalin ma
    kartide )
  •  iskugu gee dadaalkaaga hal meel ama hal
    mawduud, waxaa hubaal ah inaad guul ka
    gaarasid.
  •  Naftaada ha liidin, wanaajina aragtida aad ka
    haysato naftaada, waayo haddii aad isla
    xumaatid waligaa meel ma gaadhaysid. waa
    inaad naftaada u sheegtaa inaad tahay nin
    rageed tirtirsi u baahan.
  • Daryeel nafsadaada kana ilaali walwalka iyo
    walbahaarka.
  •  Haddii aad ku talaxtagto fikirka waxaa laga
    yaabaa inaad ka qaado fikirkaas cudur falkiis la waayey.
  •  Ha la babar dhigin naftaada dadka kale, siiba
    kuwa fashilmay.
  •  Dhag jalaq ha u siin dadka doonaya inay
    fadhiid kaa dhigaan.
  •  Raadi meelaha aad ku liidato kadibna wiiq
    meelahaas, sidoo kale baadh meelaha aad ku
    wanaagsantahay, dabeetana xooji meelahaas.
  • Yabaalka iyo cabsida aad ka cabsanayso tijaabada ogow waa fashal kadinkiise.
  • Kaalmaysiga Allaah – sare ahaaye – iyo waafajintiisa waa hilinkaaga koobaad ee Hormarka.
  • Qofka aan qaldamin waligiis waa qof aan waxba qaban. Qaladka iyo saxdu waxay ka dhashaan waxqabadka.
  •  Hinqashada iyo ruqaansigu waxay  dhaamaan in lagu dulmaro adigoo wadhan dhulka oo lagugu durduriyo.
  • Ha is waydiin siday dadku kuu arkaane ee waxaad iswaydiisaa seed adigu u aragtaa naftaada.
  •  Dhibkaagu ma aha yaraanta waxa aad haysato ee dhibkaagu waa dhiirigalin la’aan ku haysata.
  •  haddii aad ku sugantahay mushkilad, ha dafirin jiritaankeeda, waayo haddaad dafirto waligaa ma xalin kartid mushkiladaas.
  • Dadka ood quursataa ama aad yaraysataa  waxay kuu keenaysaa in adigana lagu caaluqo (lagu naco ).
  • Isbaro adigu si gaar ah, sidaad u ogaatid yoolalkaaga iyobaahidaada.
  • Badanaa arrimaha waxaan u aragnaa sidaan jecelnahay inaan u aragno, markaad eegaysid arrin u eeg si kaa madax bannaan.
  • Furdaaminta ka raadi mushkilada dhexdeeda .

Xigasho/ Buugga Kadinka Guusha  ee qoraa / Sh. Maxamuud Axmad Naasir ( Manaasir )

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *